Col. Bare Hiiraale Oo Sheegey In Dalka Soomaliya uu Ku jiro Gumeysi Siyaasadeed

0
221

Muqdisho(INO)-Col. Barre Hiiraale oo sheegta inuu yahay madaxweynaha maamulka Jubaland ayaa sheegay in xiligaani uu dalka ku jiro gumeysi la siyaasadeeyay.

Barre waxa uu sheegay in dalka ay maamulanayaan dowladaha Ethiopia iyo Kenya, waxa uuna sheegay in Gobol waliba oo hoostaga DF Somalia dhismihiisu ay leeyihiin labadaasi Dowladood.

Waxa uu sidoo kale sheegay in isagu uu maxbuus ku yahay magaalada Muqdisho, taasoo uu eedeeda dusha ka saaray xukuumadii Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Cabdiwali Sheekh iyo Xasan Sheekh.

Barre ayaa carabka ku dhuftay in loo adeegsaday Siyaasado hagardaamo ah, waxa uuna sheegay in hab dhagar ah lagu keenay magaalada Muqdisho dhowr bilood ka hor xiligaasoo loo soo sheegay inuu ka qeyb galayo shir dib u heshiisiin loogu yeeray oo ka dhacay magaalada Kismaayo.

Waxa uu soo hadal qaaday in Gumeysiga uusan aheyn mid ku eg Gobolada, balse uu saameyn adag ku yeeshay Magaalada Muqdisho, taasi oo uu sabab uga dhigay in Xarumaha waaweyn Ethiopia iyo Kenya ku yaalan Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale, Barre Hiiraale ayaa Axmad Madoobe ku eedeeyay inuu xasuuq ba’an ka geystay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here