La taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Siyaasada C/kariim Xuseen Guuleed, horeyna isaga casiley xilkii wasaarada arrrimaha amniga oo hadda magaalada Ankara u jooga booqasho aan la iclaamin ayaa la sheegayaa in madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya u wado inuu noqdo safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga.
Warar hoose oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaaaya in madaxweynaha iyo Ra”iisul wasaaraha isku af garteen in isbedel lagu sameeyo ilaa afar safaaradood oo ay ugu horeyso safaarada Somalida ee magaalada Ankara ee dalka Turkiga, waxaana la sheegayaa sida uu qabo sharciga wasaarada Arrimaha Dibada in muddada 4ta sano ee safiiradaasi ay soo idlaadeen bedelkooduna la diyaarshey.
Beelaha Hawiye oo in muddo ah u hanqal-taagaayey ama daneynaayey in ay helaan xilka ugu sareeya ee Safaarada Soomaalida ee dalka Turkiga ayaa aad u soo dhoweeyey wararkaan hordhaca ah, waxayna sheegeen in magacaabista C/kariim Xuseen Guuleed ay wax sii xoojineyso xiriir Somalia iyo Turkiga, sidoo kale dhameystiri doonta qorshihii mataaneynta magaalooyinka Muqdishooo labada dhinac horey u bilaabeen.
Idale News Online.