Ciidanka Dowladda Soomaaliya oo dagaal kula wareegay Degaano Badan oo Dhaca Waqooyi Galbeed Ee Gobolka Bay.

0
205

Ciidanka Dowladda Soomaaliya, ayaa waxay maanta dagaal kula wareegeen Deegaanka 20 Jirow ee Gobolka Baay, oo uu ku yaalo Xabsigii 20 Jirow oo ay adeegsan jirtay Dowladdii Dhexe ee Soomaaliya.

20 Jirow waxay qiyaastii 40km u jirtaa Xarunta Gobolka Baay ee Magaalada Baydhabo, waxaana muddooyinkaan dambe gacanta ku heysay Al Shabaab.

Ciidanka Xooga Dalka ee la wareegay 20 jirow, ayaa waxay gelinkii dambe ee Jimcihii ka soo dhaqaaqeen Magaalada Baydhabo, iyagoo ilaa 3 goor iska horimaad kala kulmay Shabaabka, intii aynaan gaarin 20 Jirow.

Dadka ku dhaqan Deegaanada 20 jirow, Buureey Haroow iyo Saydheeloow, ayaa waxay Warbaahinta gudaha u sheegeen in Ciidanka Qalabka Sida ay ku arkayn Deegaanadaasi, saacadihii la soo dhaafay.

Waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in Ciidanka Dowladda ay dib u soo baneeyeen Deegaanada, ay kala wareegeen Ururka Al Shabaab ee ka arrimiya qaybo ka mid ah dalka.

Madaxa Maaliyada ee Maamulka Baydhabo Maxamed Isaaq Ibraahim (Aflow), ayaa waxa uu xaqiijinayaa in Ciidamada Dowladda ay isaga soo baxeen goobihii ay ka eryeen Shabaabka.

Aflow oo u waramay Shabakada Idale News Online  ayaa sheegaaya in qorshuhu aanu ahayn inay Ciidamadu fariisimo ka sameystaan Deegaanada ay ka saareen Al Shabaab, balse uu ahaa inay ka soo baxaan, Ciidanka oo aan haysan qalab ku filan awadeed.

Aflow wuxuu sidoo kale sheegay in iska horimaadyada ka dhacay goobaha ay ka arrimiso Al Shabaab lagu dilay ilaa 5 nin oo ka tirsan Shabaabka, halka dhinaca Ciidanka Dowladdu uu sheegay dhaawacyo oo kaliya inay jiraan.

ciidanka

Idale News Online, Baydhabo