Ciidanka Bakool oo isku diyaarinaya howlgal ka dhan ah Al-shabaab

0
287

Hudur{INO]Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Bakool ayaa ciidanka halkaasi jooga waxa ay amar ku siiyeen in ay isku diyaariyaan qaadista howlgal ka dhan ah ururka Al-shabaab xilli Shabaab ay ku sugan yihiin deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Bakool.

Korneel C/raxmaan Maxamed Cismaan oo ah taliyaha ciidanka dowladda ee gobolka Bakool ayaa sheegay ciidanka ku sugan degmada Xudur in ay hada isku diyaarinayaan qaadista howlgal ka dhan ah Al-shabaab si looga saaro deegaanada iyo degmooyinka ay kaga dhuumaaleysanayaan.

Ciidanka dowladda ee ku sugan gobolka Bakool ayaa shalay waxaa la gaarsiiyay gaadiid dagaal oo ay u dhiibtay wasaarada gaashaandhiga dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxaana ay ka dhigeysaa in ciidanka dowladda ay heleen awoodo dheeraad ah oo ay kula dagaalami karaan ururka Al-shabaab ee deegaanadaasi ku sugan.