Ciidanka AMISOM oo Galay Degmada Cadaado, Halkey Degeen?

0
256

Cadaado (INO) – Ciidanka AMISOM ayaa Goordhow galay Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, kedib ilaa Maanta oo ay Hortaagnaayeen Ciidanka Maamulka Ximan iyo Xeeb.

Teaser Image Ciidanka AMISOM oo Galay Cadaado, Halkey Degeen?

Ciidanka AMISOM ayaa loo Ogolaaday in ay Magaalada Galaan ka gadaal markii ay Maanta Muddo isku Hortaagnaayeen iyaga iyo Ciidanka Maamulka Ximan iyo Xeeb deegaanka Mareer-gur oo Duleedka ka ah Cadaado, Maqribnimadii Maanta ayey u Ogolaadeen Maamulka Ximan iyo Xeeb in AMISOM ay Magaalada Galaan.

Hadda waxaa la Dejiyey Ciidanka AMISOM Garoonka Diyaaradaha iyo Meel kale oo Duleedka ka ah Magaalada, waxaana ay Ciidanka Maamulka Ximan iyo Xeeb sheegeen in ay ku Filanyihiin Amaanka Gudaha, taas waxaa dhowaan Walaac ka muujiyey Mas’uuliyiin iyo Odayaal sheegay in aysan Magaaladaasi Amaan ahaan isku Halleyn karin Haddii aan la geyn Ciidanka AMISOM.

Xasan Shiikh ayaa Shalay ku dhawaaqay in Maalinta Sabtiga ah ee soo Socota uu shirka Maamulka ay dhisanayaan dadka Gobollada dhexe uu Halkaas ka dhacayo.

Idale News Online – Cadaado

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here