Baraawe (INO)— Warar goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya uu haatan ka socdo degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Dagaalkan ayaa saameeyay dhaq dhaqaaqii guud ee Baraawe, waxaana illaa iyo hada la xaqiijiyay in shan askari ku dhimatay, halka tobaneeyo kalena ku dhaawacmeen.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Xuseen Shiine ayaa xaqiijiyay in dagaalka uu u dhaxeeyo ciidamo ka wada tirsan dowladda, inkastoo aanu sheegin sababta ka dambeysa dagaalka.
Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqlayeen rasaas culus oo labada dhinac is weydaarsanayeen, waxaana la sheegayaa in dad rayid ah ay ku waxyeeloobeen.
Baraawe oo ah magaalo xeebeed ayaa bishii October ee sanadkii 2014 laga saaray Al-Shabaab, waxaana magaalada saldhig ku leh Ciidamada AMISOM ee ka socda Uganda.
Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeen dambe
Idale News Online, Baraawe