Baladxaawo ( INO)-Sida uu Idaacadda Warbaahinta uga warbixiyay Cabdiqaadir Max’ed Cali oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Baladxaawo Ciidamada dowladda Soomaaliya ee halkaas ku sugan ayaa u ambabaxay xadka dalka Soomaaliya uu la wadaago Kenya.
Sarkaalkaan ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa sheegay in ay ka hortagayaan darbiga Kenya ay ka dhiseyso gudaha Soomaaliya.
Sida uu Cabdiqaadir Max’ed Cali Ka dhawaajiyay Ciidamada ayaa billaabay dhaq dhaqaaqyo xoogan oo ay ku doonayaan in ay is hortaag ugu sameeyaan darbiga Kenya ay dhiseyso.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta isku raacay in la sharciyeeyo qarar ka dhan ah Ciidamada Kenya ee dalka ku sugan iyo darbiga Kenya ay dalka Soomaaliya ka hirgelineyso.
Idale News Online, Baladxaawo