Ciidamo Boolis ah oo qeyb ka ah howl galka AMISOM ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, si ay uga qeyb qaataan howlaha sugida ammaanka, kadib markii todobaadyo ka hor AMISOM la wareegeen ammaanka guud ee magaalada.
Gudoomiyaha Gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosow ayaa sheegay in magaalada Baydhabo ay soo gaareen ciidamo boolis ka kala socda Nigeria iyo Ghana.
Mr Hoosow ayaa sheegay in ciidamadan ay la shaqeyn doonaan ciidamada Booliska gobolka, isla markaana ay ka qeyb qaadanayaan howlaha sugida ammaanka.
“Ciidamada Booliska AMISOM ee soo gaaray magaalada Baydhabo waxay amaanka kala shaqeyn doonaan ciidamada booliska Soomaaliyed ee ku sugan magaalada Baydhabo”ayuu yiri Mr Hoosow.
Gudoomiyaha Gobolka Bay ayaa tilmaamay in Ciidamada Booliska ee ka socda AMISOM ay dhinaca amaanka kala shaqayn doonaan Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Baydhabo.
Booliska AMISOM ayaa la shaqeeya Booliska Soomaaliya, waxaana ay ka qeyb qaataan howlaha sugida ammaanka ee magaalooyinka, iyadoo magaalada Muqdisho ay yihiin meesha kaliya ee ilaa haatan ku sugan yihiin.
Idale News Online, Baydhabo