Ciidamo Ay Leedahay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo Maanta Tababar u Furmay.

0
235

In kabadan 500 ciidan oo ay leedahay Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta wuxuu tababar uga furmay xarun ciidan oo ku taalada Caasimada Koonfur Galbeed ee Baydhabo.

Tababarkan ayaa waxaa furay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/fitaax Ibraahim Geesay, waxaana ka qeyb galay Wasiiro iyo qaar katirsan Gollaha Guurtida iyo taliyayaal Ciidan.

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga C/fitaax Ibraahim Geesay ayaa sheegay in ciidamadaan ay horudhac u yihiin ciidamada ay yeelan doonto Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Gollaha Guurtida Koonfur Galbeed Ugaas Maxamuud Ugaas Nuur oo ugu baaqay ganacsatada iyo Jaaliyaddaha Dibada inay garab istaagaan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

South West State Defence force.

Idale News Online, Baydhaba.