Ciidamo Ajnabi ah oo ka qeybqaadanaayo howlgalkii dib ula wareegida Xarunta UNDP ee Wareerku lagu qaadey

0
198

Ciidamo iyo Saraakiil cadaan ah oo ay wehliyeen Ciidamada AMISOM ayaa ka qeyb qaatay howl galkii maanta ee Xarunta UNDP, kadib markii rag hubeysan oo ka tirsan Shabaab ay gudaha u galeen xarunta, iyadoo dagaalka ka dhacay gudaha xarunta uu ahaa mid culus.

Dagaalka oo socday muddo saacad iyo bar ayaa ciidamada gaarka ah ee loo yaqaano Gaashaan, kuwa nabadsugida, ciidamada AMISOM iyo Ciidamada cadaanka ahaa ee ka yimid Xarunta Xalane u suura gashay inay galaan gudaha xarunta.

Muuqaalo laga soo duubay ayaa muujinaya xeeladahan saraakiishan cadaanka ugu galayeen xarunta, iyagoo bar bar socday Ciidamada AMISOM, waxaana gudaha ka socday is rasaaseyn culus.

Mid ka mid ah Ciidamada Gaashaan ee sida gaarka ah u tababaran ayaa dabaq uu ka saarna xarunta gudaheeda waxaa uu ka riday qoriga loo yaqaano RBG ama Baasuukaha, taasoo xaalada sii kululeysay.

Saraakiisha hey’adaha ammaanka Ajnabiga ee fadhigooda yahay Xalane ayaa markii u horeysay la arkay iyagoo ka qeyb qaadanaya howl gal gaar ah oo gudaha Muqdisho ka dhacay, iyadoo inta badan caawiyeyaal ama la talin u ahaa Ciidamada AMISOM.

Inta la og yahay afar ajnabi ayaa ku dhimatay weerarka iyo afar kale oo Soomaali aheyd oo ka shaqeynayay xarunta UNDP, waana weerarkii u horeeyay noociisa oo xarunta Un-ka lagu qaado, weerarkan ayaa sheegatay Al-Shabaab.