Taliska AMISOM, ayaa sheegay ineey ilaa 30 ruux oo ah Ganacsato Jaadleey, ay kasoo bad baadiyeen Gacanta Al-shabaab, kuwaasoo shalay ka qafashay meel duleedka ka ah Garoonka Diyaaradaha Kismaayo.
Ergayga gaarka ah ee midowga Afrika ugu qaabilsan Soomaaliya, Mohamed Salah Annadif, ayaa qoraal saxaafadeed uu soo saaray, waxa uu ku sheegay in howlgalkaasi uu ahaa mid isku duba ridan oo ay iska kaashadeen AMISOM iyo ciidamada maamulka KMG ah ee Jubba, waxaana uu intaasi ku daray in ay Alshabab isku dayayeen, ineey dadkaas u kaxeystaan dhinaca degmada Jilib kahor inta aanan laga soo bad baadin.
Waa markii ugu horeysay ee ay AMISOM dad kasoo bad baadiso Gacanta Al-shabaab.
Idale News Online,Muqdisho.