Ciidamada ONKOD ee wajiyada u duuban oo wadada Maka Al-Mukarama lasoo dhoobay

0
244

Muqdisho(INO)-Ciidamada ONKOD ee Nabad Suggida ka tirsan, ayaa saaka lagu daadiyay wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska Soobe iyo KM4 ee Magaalada Muqdisho.

Xalay ayeey aheyd markii Magaalada Muqdisho uu ka dhacay qarax noociisa uu yahay mid baabuur, wuxuuna qaraxaasi  ka dhacay dhabarka dambe ee Hoteelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Saaka aroortii ayaa ciidamadaan lasoo dhoobay wadada, waxaana ay baarayaan gaadiidka dadweynaha iyo sidoo kale gaadiidka nooca yar yar ee sida gaarka ah loo isticmaalo.

Wariye ka mid ah kuwa ka shaqeeya magaalada Muqdisho oo la kulmay baarista ayaa ciidamada waxa ay ku amreen inuu kasoo dego baabuurka dadweynaha uu la socday, waxaana intaasi kadib ay baaris kula dhaqaaqeen boorso Laaptoop ugu jirtay oo ciidamada ay baareen kadibna ay sii daayeen.

Ciidamada ONKOD ee wajiyada duuban ayaa ku guda jira feejignaan dhanka ammaanka ah, waxaana ay ka feejigan yihiin weeraro qaraxyo ah oo Shabaabka ay ka geystaan magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidamada Booliiska Qaasim Axmed Rooble ayaa shalay Saxaafadda u sheegay in ciidamada jooga wadooyinka Magaalada Muqdisho lasoo kordhinaayo si amniga Magaalada si weyn loogu xaqiijiyo.

Al Shabaab ayaa isku daya nooc waliba oo qarax ah oo ay ka fulin karaan Magaalada Muqdisho, xilli ciidamada amniga ay ku dadaalayaan xaqiijinta ammaanka caasimada.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here