Nabadoon Macalin Gaas, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in saacadihii ugu dambeeyay dumar badan lagala baxay guryahooda, oo ku yaala Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Nabadoon Macalin Gaas oo ka mid ah Odayaasha Jubbooyinka, ayaa wuxuu sheegay Ciidamada Maamulka Jubba ay bilaabeen in dumarka ay kala baxaan guryahooda, iyadoo shalay ilaa xalay uu sheegay in ilaa 7 qof oo dumar ah guryahooda lagala baxay.
Nabadoon Macalin Gaas, ayaa wuxuu kaloo sheegay in Ciidamada Maamulka Jubba waxyaabaha ay ka wadaan Magaalada Kismaayo, in ay yihiin wax aan loo dulqaadan karin.
Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay Maamulka Jubba in uu indhaha uun ka fiirsanaayo dhibaatada xagga qabaa’ilada ku saabsan, ee loo geysanaayo shacabka ku nool Kismaayo qaarkood.
Nabadoon Macalin Gaas oo la hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa wuxuu kaloo sheegay inaan ilaa iyo hadda meelna lagu sheegin, dumarkii lagala baxay gury, ahooda.
Idale News Online,Kismaayo.