Baydhabo(INO)-Maleeshiyaadka Liyuu Police ayaa ka mamnuucey xoolo dhaqatada gobolka Bakool in ay ka cabaan ceelasha una sheegey inay ka guuraan dhamaan deegaanada ay degan yihiin.
Ceelasha la mamnuucey waxaa ka mid ah: Yahanti, Lahelow, Dabagal, Biyo cade, Dudunaale, Shanle, Raxale, Dal-dal, Garasoole, Ceel cade.
Lama oga sababka ka danbeysey in maleeshiyaadka ay ku kacaan falkan foosha xun ayadoo la marayo xilligii jiilaalka oo ceelasha aadka loo cabayey.
Ugu dambeyntii, Ma jirto Ilaa hada cid ka hadashey oo ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed ama dowladda federaalka. Dadka deegaanka ayaa codsanaya in laga soo gaaro, haddii kale ay harraad u geeriyoon doonaan.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo
Idalenewsonline@gmail.com