Guddoomiyaha degmada Diinsor ee gobolka Bay Ibraahim Shigshigow oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyey xaaladda degmadaasi iyo sidoo kale howlgallo ay ciidanka Koonfur Galbeed ka sameeyeen degmada Diinsoor.
Guddoomiyaha waxa uu sheegay in ciidamada ay howlgalkaasi kusoo qabteen rag ka tirsan Al-shabaab, islamarkaana ay ku jiraan xabsiga degmada Diinsoor.
Guddoomiyaha ayaa dhinaca kale sheegay in maamulkooda isku soo dhiibay sarkaal sare oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab, balse ma uusan sheegin magaca sarkaalkan iyo waxa uu Al-shabaab u qaabilsanaa.
“Ciidamada howlgalka waa ay xoojiyeen, waxay soo qabteen rag ka tirsan Al-shabaab, sidoo kale waxaa isa soo dhiibay sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab, kaasi oo hadda weli aan saxaafadda loo soobandhigin, laakiinse waxaan idiin xaqiijinayaa in amniga degmada Diinsoor yahay mid aad u wanaagsan” ayuu yiri guddoomiyaha.
Ugu dambeyntii, Ciidamada DowladaKoonfur Galbeed ayaa xoojiyey maalmahan dambe howlgallada ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab.