Ciidamada Huwanta oo Al-Shabaab Kala Wareegay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

0
188

Markacadey:Ciidamada dowladda Muqdisho iyo kuwa AMISOM ayaa maanta la wareegay deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose, kadib dagaal xalay ka dhacay deegaanada Gendershe iyo Jilib Marka oo ay ku sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa sheegay in saddexdii maalmood ee u dambeeyay ay ciidamada dowladda ku jireen diyaar garow, isla markaana ay markii u horeysay ku guuleysteen inay isku furaan jidka xeebta ee isku xira Muqdisho iyo Marka.

Gudoomiyaha Shabeelaha Hoose ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada ay la wareegeen deegaanada Gendershe, Jilib Marka ilaa Dhanaane oo uu sheegay inay haatan ciidamada dowladda ka dhigteen saldhigooda ugu weyn Gobolka Shabeelaha Hoose.

“Waxaa u sheegeynaa shacabka jidka xeebta ee Muqdisho iyo magaalada Marka ee Shabeelaha Hoose in la isku furay, ciidamada waxay hada saldhig ka sameystaan Dhanaane oo aheyd dugsigii lagu tababari jiray ciidamada xooga dalka”ayuu yiri Mr Siidii.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa dhowaan sheegay in sanadkan 2014 qorshaha Xukuumada yahay in Al-Shabaab laga saaro deegaanada ay gacanta ku hayaan, isla markaana uu socdo diyaar garow xoogan.

Ciidanka-Jubba

Idale News Online, Markacadey.