Burhakaba(INO)— Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la wareegay deegaano hoos taga degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay, kadib howl gallo saacadihii u dambeeyay halkaas ka sameeyeen.
Guddoomiye kuxigeenka degmada Buurhakaba ayaa sheegay in ciidamada oo aanay wehlin kuwa AMISOM ay deegaano dhowr ah la wareegeen.
“Ciidamada waxay qabsadeen dhowr deegaan oo kooxihii nabad diidka ay joogeen, sida deegaanka Buur-eylo, Dalandoole iyo saddex tuulo oo ku dhow dhow”ayuu yiri Guddoomiye kuxigeenka dhinaca amniga degmada Buurhakaba.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidamada ay dagaalo la galeen Al-Shabaab, ayna khasaare gaarsiiyeen, inkastoo aanu sheegin dhankooda khasaare ka soo gaaray weerarka.
Diyaarado Helicopter ay leeyihiin Ciidamada Itoobiya ee AMISOM qeybta ka ah ayaa shalay duqeeyay labo gaari ay saarnaayeen dad ka soo barakacay deegaan lagu magacaabo Dalandoole, waxaana halkaas ku dhintay illaa 12 ruux.
Colaadaha ka jira Gobollada Bay, Bakool iyo Gedo ayaa waxay saameyn ay ku yeesheen dadka rayidka, waxaana soo baxaya khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo dad rayid ah ka soo gaaray duulaanka ay wadaan Ciidamada dowladda iyo AMISOM.
Idale News Online, Burhakaba