Ciidamada dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa howlgal waxa ay ka wadaan deegaano badan oo ku dhaw degmada Buulo Burde ee gobalka Hiiraan, ka dib markii Al-shabaab ay shacabka ku amreen in degmadaasi ay ka fogaadaan ugu yaraan 50 Km.
Taliyaha ciidamada xooga dalka ee degmada Buulo Burde Cabdullaahi Cilmi Barre oo u waramay Warbaahinta, ayaa sheegay in howlgalkaan ay ku doonayaan in ay ku xaqiijiyaan amaanka, waxaana dhanka kale shacabka uu ugu baaqay in aanay dheg jalaq u siin amarka Al-shabaab.
Wararka ayaa sidoo kale waxay sheegayaan in ciidamada ay gaareen deegaano duleedka ka ah degmada Buulo Burde, inkastoo aanay jirin dad ay soo qabteen ama iska horimaad ay la kulmeen.
Shacabka ku sugan degmada Buulo Burde ayaa loo sheegay in Al-shabaab ay amar ku bixiyeen in ay faarujiyaan degmadaasi, sidoo kalena aan degmada dad shacab ah ka agdhawaan.
Degmada Buulo Burde ee gobalka Hiiraan waxa ay ka mid tahay degmooyinka ay go’doomiyeen Al-shabaab, waxaana halkaasi ka jira xaalado adag oo dhanka nolosha ah.