Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Gobalka Bakool

0
235

Xudur(INO)-Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa waxa uu ka dhacay deegaano duleedka ka ah degmada Xudur ee gobalka Bakool.

dagaal

Wararka ay heshay Idale News  Online ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay lahaayeen weerarka dagaalkaasi, ka dib markii ay ku baxeen deegaanadaan oo ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Inta la xaqiijiyay Laba qof oo dhinacyadii dagaallamay ka kala tirsan ayaa dagaalkaasi ku geeriyootay, balse lama oga tirada rasmiga ah ee dadka halkaasi ku dhaawacmay.

Xaaladda saaka wa mid degan, iyadoo saraakiisha ciidamada dowladda ay sheegayaan in ay ka go’an tahay la wareegista deegaan walba oo ay ku sugan yihiin Al-shabaab.

Deegaanadii lagu dagaallamay ee duleedka degmada Xudur waxaa haatan gacanta ku haya ciidamada dowladda Federaalka oo maalmahaan dambe gobalka Bakool dhaqdhaqaaq ciidan ka waday.

Idale News Online, Xudur

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here