Ciidamada Booliiska ee Magaalada Baydhabo ayaa xabsiga dhigay Darawalka iyo Milkiilaha Gaarigii ay saarnaayeen Odayaashii wax kasoo dhisay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya , oo isbuucii hore lagu laayay Duleedka Degmada Buur Hakaba ee Gobolka Baay.
Sida Wararka aan ku heleyno waxaa hada xiran oo Ciidamada Booliiska Su’aalo weediinayaan Muqtaar Sheekh Cali oo ahaa Darawalkii waday gaariga ay saarnaayeen odayaasha la laayay, iyo Nuur Cabdi Qaadir Jibaar oo isna ah Milkiilaha gaarigaasi.
Taliyaha Booliiska Magaalada Baydhbao ayaa amray xariga labada nin si su’aalo la xariira Odayaasjii la laayay loo weediiyo , waxaana wali Xabsiga ku jira labadan Nin ee midkood ahaa Darawalka halka kan kalana uu ahaa Milkiilaha gaariga.
Darawalka gaariga ay saarnaayeen Odayaasha Dhaqanka ee la laayay ayaa la sheegay in uu shoogsan yahay kana naxay dilkii naxariis darada ahaa ee hortiisa loogu geestay ilaa 8-Day oo saarnaa gaarigiisa ,xili ay marayeen Duleedka Degmada Buur Hakaba.
Odayaasha la’ laayay ayaa kusii jeeday Deegaanka No-50 ee Gobolka Shabeelaha Hoose , odayaashan ayaana kamid ahaa Ergooyinkii wax kasoo dhisay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Madaxweynaha loogu doortay Mudane Madoobe Nuunow Maxamed.
Idale News Online, Baydhaba.