Ciidamada Dowlada oo baneeyey Fariisimo ay ku lahaayeen Duleedka Degmada Qoryooley Ee Gobolka Shabellaha Hoose.

0
234

Ciidamada Xooga Dalka, ayaa waxay soo baneeyeen fariisimo ay ku lahayaeen duleedka Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose, oo daba yaaqadii bishii Maarso ay dagaal kula wareegen.

Fariisimaha ay soo baneeyeen Ciidamada Dowladda, ayaa waxay ka difaacayeen weerarada Shabaabku ku soo qaadayaan Degmada Qoryooley, oo mid muhiim u ahayd Ururka Al Shaabab.

Cumar Maxamuud Cilmi (Carabey), Gudoomiye Ku Xigeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose, oo maanta la hadlay Warbaahinta, ayaa xaqiijiyay tallaabada Ciidamada Dowladdu ku soo baneeyeen fariisimahaan.

Gudoomiye Ku Xigeenka, ayaa waxa uu tani ku sheegay xeelad Militari oo kaliya, iyadoo aanu kala cadayn waxa xilligaan Ciidamada Dowladda ku keenay, inay isaga soo baxaan fariisimahaan.

Warar madax banaan, ayaa ku waramaaya Ciidamada Dowladda in weeraro joogta ah ay kala kulmayeen mintidiinta Ururka Al Shabaab, taasina ay ka dambeysay inay ka soo baxaan fariisimaha.

qoryooleey

Idale News Online, Qoryooley