Ciidamada Kenya ayaa Dad Shacab ah ku Xasuuqay Qeybo ka mid ah Gobolka Jubbada Hoose ee Koofur Galbeed Dalkeena Soomaaliya.
Ugu yaraan 9 Qof oo isku Qoys ah ayaa ku Geeriyooday Duqeyn Ciidamada Kenya ay ka geeysten Xeebha Gobolka Jubbada Hoose,gaar ahaan Deegaanka Madhawa ee Gobolkaasi.
C/rashiid Shekh Xuseen oo ka mid ah Odayaasha Gobolka ayaa Warbaahinta u sheegay in Dadka Geeriyooday ay yihiin Isku Qoys islamarkaana Diyaaradaha Kenya ay Duqeeyeen.
Waxaa uu sheegay in sidoo kale Xoolo badan oo iskugu jira Lo iyo Ari ay ku baaba’een Duqeynta Ciidamada Kenya ay ka geeysteen Gobolka Jubbada Hoose.
C/rashiid Sh Xuseen ayaa ku Eedeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ka gaabisay wax ka qabashada Xasuuqa Ciidamada Kenya ay ka wadaan Gobolada Jubbooyinka.
“Kenya Soomaaliya u ma joogto in ay Al-shabaab la dagaalanto,waxaa ay Dooneeysaa in ay Shacabka Reer Guuraagaa ay xasuuqdo”ayuu yiri C/rashiid.
Ciidamada Kenya ayaa Xiliyo badan Duqeyn Dad badan ay ku Geeriyoodeen ka Fulisay Gobolada Jubbootinka ee Dalka Soomaaliya.
Idale News Online, Kismaayo.