Ciidamada DFS Ee Bakool Oo Qabtey Saraakiil Sare Oo Ka Tirsan Al-Shabaab

0
225

Xudur(INO)-Saraakiisha ciidamada dowladda Federaalka ee ku sugan gobalka Bakool ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen kusoo qabteen Laba sarkaal oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaa oo si aad ah looga yaqaano gobalkaasi.

cidanhowlgal1

Taliyaha ciidamada gobalkaasi ee dhanka howlgalada Cabdiladhiif Maxamed Bootaan oo u waramay Warbaahinta , ayaa sheegay in ciidamada ay qaadeen howlgal balaaran, ayna iska hor imaad kala kulmeen Al-shabaab.

Waxa uu taliyaha sheegay in Labada sarkaal ee Al-shabaab ka mid ah ay soo qabteen kala yihiin magacyadooda Sheekh Xasan Dhuubow iyo Sheekh Cabdi Boorow oo uu tilmaamay in ay ahaayeen hogaamiyaal ciidan oo Al-shabaab ah.

Dhinaca kale taliyaha ayaa sheegay in ay sii wadaan howlgal ay ku baacsanayaan rag kale oo ka mid ah Al-shabaab, maalmaha soo aadanna ay jawaab cad keeni doonaan howlgalka ay wadaan.

Al-shabaab dhankooda kama aanay hadal waxa ka jira in laga qabtay Laba ka mid ah saraakiishooda ee ku sugnaa gobalka Bakool, marka laga soo tago sheegista saraakiisha dowladda Federaalka.

Idale News Online, Xudur.