Ciidamada Dadka Deegaanka Ee Beesha Biyo-maal Oo goordhow la Wareegey Deegaano Badan oo Ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.

0
222

Warar hada aan ka heleyno Gobolka Shabellaha Hoose Ayaa sheegayaan in Ciidamada deegaanka Ee Beesha Biyo-Maal , ay la wareegeen Deegaanada Shalambood, Gandaawi iyo Buufoow.

Ciidamada Deegaanka Ee Beesah Biyomaal ayaa maanta ka dhaqaaqay difaacyada ay ku leeyihiin Gobolka Shabeelada hoose, iyagoo dagaal ku qaaday Beesha Habargidir iyo Maleshiyaad la sheegey inay xiran yihiin shaarka Dowlada Soomaaliya oo xalay halkaasi ku dilay Wiil iyo Gabar kasoo Jeeda Beesha Biiimaal.

Taliska Ciidamada deegaanka Ee Beesha Biyo-Maal ayaa Saakay amaar lagu siiyay in ay u dhaqaaqaan deegaanadaasi, ee la wareeg saaka.

Deegaanka Shalambood oo maalmihii ugu dambeeyay lagu soo daad gureynayay La SHeegey ciidamd U badn Beesha Hbargidir iyo Maleeshiyaad kale ayaa Maanta xoog looga saaray, waxaana ilaa iyo hada aan la aqoon halka ay jaan iyo Cirib dhigeen oo lo’la yahay G. Goobaale iyo Nuur Jiido.

Ugu Dambeyntii Howlgalka Maanta oo goordhow lasoo gaba-gabeeyay ayaan weli faah faahin dheeraad ah laga bixin karin iyo khasaaraha ka dhashay. Waloow aysan jirin wax khasaara ah oo soo gaaray Ciiadamada deegaanka, Waxaana wararkeena dambe aanu idin kugu soo gudbin-doonaa halka uu xaalka Marayo hadii Alle laga helo.

ciidan

Idale News Online, Shalambood, Sh/Hoose.