Ciidamada AMISOM Ee Baledweyne Oo Toogtay Dhakhtar&Shacab kale

0
216

Muqdisho(INO)-Warar dheeri ah oo laga helayo Magaalada Baledweyne ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM oo doonaya inay kala dhexgalaan beelo ku dagaalamaya Magaalada ay rasaas ku fureen Dad Shacab ah.

Wariye Cabdicasiis Ibraahim Okey oo ka tirsan Talafeshinka Universal ayaa u sheegay Warbaahinta Idale News Online  in Walaalkiisa C/naasib Ibraahim Ok oo ahaa dhaqtar uu ku geeriyooday Rasaasta AMISOM.

Dad kale oo shacabka ayaa la sheegayaa inay ku dhaawacmeen Rasaasta ay fureen Ciidamada AMISOM oo doonayay inay kala eryaan Dadka Shacabka ah.

Dagaalka Beeleedka oo ka socda Xaafadda Holwadaag ayaa saaka waxa uu sheegay in Maamulka Gobolka Hiiraan inay awood ku joojinayaan hadii aan Nabada la qaadan.

 Idale News Online, Baladweyne