Ciidamada Amaanka Degmada Hiliwaa ayaa Xalay Baaritaano ay Ciidamadu sameeyeen ku soo qabtay tiro Dad ah lala Xariirinayo Al-shabaab.
Dadka Ciidamadu ay soo qabteen ayaa la sheegay in ay Gaarayaan ugu yaraan 11 Ruux oo Dhalinuaro ah.
Gudoomiye Xigeenka Arrimaha Bulshada Degmada Hiliwaa C/xafiid Max’ed Xirsi ayaa sheegay in Dadka la qabtay ay yihiin Al-shabaab,mudana lagu daba jiray.
C/xafiid ayaa tilmaamay in ay ku jiraan Saraakiil uusan tiradooda sheegin Raga lagu qabtay Degmada Hiliwaa.
Dhanka kale Xaafado ay ka mid yihiin Waxaracade iyo isku raran ayaa Habeenkii 4-raad waxaa ka maqan Korantadii,kadib markii Al-shabaab ay dadka Amreen in Leyrarka la damiyo.
Idale News Online – Xafiiska Muqdisho