Ciidamada Amaanka Ee Baydhabo Oo Ku Faafey Xaafadaha Magaaladaasi

0
216

Baydhabo(INO)-Howllgalo ayaa ka soconaya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay kaasi oo lagu raadinayo Kooxihii ka dambeeyay Dilka Sheekh Caan ka ah Magaalada oo xalay ka dhacay Halkaasi.

Taliyaha Booliska Gobolka Mahad C/raxmaan ayaa sheegay in talaabadaan lagu xaqiijinayo Amaanka, islamarkaana ay ku rajo weynyihiin inay soo qabtaan Kuwa Wadaadka dilay.

Sheekha oo lagu magacaabo Xuseen Xasan ayaa la toogtay Xalay xili uu kasoo baxay Salaada Cishaha, waa Wadaadkii labaad ee lagu dilo Baydhabo.

Ugu Dambeyntii Dowladda ayaa ku celcelisay inay soo qabaneyso kooxaha dilalka geysta taasi wax badan kama dhaqangalaan .

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.