Baydhabo: kooxda al-shabab Ee ka dagaalanta gudaha wadanka soomaaliya ayaa madaafic xoogan ku garaacdey garoonka diyaaraha ee magaalada baydhabo janaay, ilaa iyo 4 madfac ayaa la sheegey oo aad u xoog badanaa inay ku soo daatey garoonka caalamiga ahi ee shaatiguud, halkaasoo ay joogaan ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika Ee Soomaaliya Amisom.
Sidoo kale, waxay durbadiiba ay ciidamda Amisom Ee Itoobiya oo jooga magaalada Baydhabo ayaguna ku jawaabeen duqeyntaasi, isla markaana ridey tiro kale , ilaaliyo haatan lama soo sheegin khasaaraha dhabta ahi oo Geystay duqeyntii xaley ka dhacdey garoonka diyaarahada ee magaalada Baydhabo, walow xilligaasi dadka intooda badan ay wada hurdaayeen.
Si kastaba ha ahaatee, xoogaga mayalka adag Al-shabab waxay horey u sheegeen inay joogtey doonaa weerarda ay Ka fulinayaa Gobolada ay ku sugan yihiin ciidamada dowlada soomaaliya inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramaadaan, iyadoona dowlada soomaaliya , sheegey inay diyaarisey ciidamo ka hortagyo falalka amaan darada, kuwaasoo looga yeerey ” Nabad Ku Afar”.
Ugu dambeytii, duqeytii xaley ayaa ku soo beegmeysa ,xilli shaley dowlada soomaaliya ay sheegtey inay dagaal ku wareegtey degaano dhac waqooyiga Gobolka Bay.
Idale News Online, Baydhabo.