Gollaha Guurtida Koonfur Galbeed Ee 6da gobol ayaa maanta ka shiray dagaalada soo noqnoqday ee kasocda Gobolka Shabeelaha Hoose, waxayna canbaareeyeen dagaaladaasi.
Gollaha Guurtida Koonfur Galbeed waxaa ay eedeyn dusha uga tureen Dowlada Muqdisho iyagoo ku tilmaamay inay iyadu dagaaladaasi hurinayso.
“Guud ahaan dhibaatada dagaaladaasi keenaan waxaa ka mas’uul ah Dowlada uu Madaxweynaha kayahay Xasan Sheekh Maxamuud oo iyadu dagaalada hurineysa” ayuu yiri Gudoomiyaha Gollaha Guurtida Koonfur Galbeed mudane Xasan Shurre.
Dowlada Muqdisho ayay Gollaha Guurtida si weyn ugu eedeeyay inay iyadu wado dagaalada maalmahaan ka socda Gobolka Shabeelaha Hoose, iyagoo dhanka kalana ugu baaqay dhamaan Xildhibaanada iyo Wasiirada ku kala jira Baarlamaanka iyo Xukuumada ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed inay isaga soo baxaan Dowlada oo ay yimaadaan Magaalada Baydhabo si looga tashto Dagaalada kasocda Shabeelaha Hoose.
Ma ahan markii ugu horeysay oo Gollaha Guurtida Koonfur Galbeed Ee 6da Gobol ay ka hadlaan Dagaalada Xaqdarada ah ee kasocda Gobolka Shabeelaha.
Idale News Online, Baydhaba. Nagala Soo Xariir email: Idalenewsonline@gmail.com