Muqdisho(INO)- Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), Afhayeenka Guud Ururka Al Shabaab, ayaa waxaa uu ka hadlay weerarkii hal habeen ka hor ay ku qaadeen Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Afhayeenka, ayaa sheegay in Ururka Al Shabaab uu go’aansaday in weeraro uu ka fuliyo gudaha Kenya, ka dib markii uu Kenya ku eedeeyay inay dhegaha ka fureysatay dalabkooda, oo ahaa inaysan ku soo xadgudbin Somaliya.
Afhayeenka, ayaa ku waramaya in go’aankaasi ay u qaateen, si ay Kenya u dhadhansiiyan qaraarka uu leeyahay in dal kale oo madax bannaan lagu xadgudbo, lana laayo dadkiisa.
Cali Maxamuud Raage, ayaa sheegay in weerarka ay ku galeen Magaalada Mandheera, ay ku beegsadeen goob ay deganaayen dad Masiixiyiin ah, isla-markaana ay ka dileen lix ruux, saddex kalana ay ka dhaawaceen.
Cali Maxamuud Raage oo la hadlay Idaacadda Alfurqaan, ayaa sheegay in Xoogaga Ururka Al Shabaab aysan dadkaasi u kala soocin dhakhaatiir, macalimiin iyo askarba, si lamid ah sida aysan Kenya ugu kala soocin dadka Somaliyeed, sida uu yiri.
Waxaa uu intaa ku daray Kenya inay iyadu dooratay dagaalka, isla-markaana ay sii wadi doonaan dagaalka ay ka wadaan gudaha dalkaasi, sida uu yiri.