Wararka naga soo garay magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada hoose ayaa waxaay tibaxayaan in maalinta bari ah ay magaaladaasi ka dhacayso calemo saarka Madaxweynaha jubbaland iyo Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland.
Manta Garoonka diyaaradaha ee Kismaayo waxaa ka dhacay munasabad lagu magacabay Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Gen Cabdilahi Sh Ismaciil waxaana magacaabistiisa ka dib lagu dhaariyay isla garoonka kismaayo.
Sida ay IdaleNews Online xog hoose ku heshay Urur Goboleedka IGAAD waxaa uu ku amray Masuliyiintaan Cusub in ay sida ugu dhaqsiyo badan ku soo dhamaystiraan Golaha wasiirada Jubbaland iyo dhamaan hay,adaha kale ee u yeelanaayo Maamul goboleedka Jubbaland.
Ila wareedyo lagu kalson yahay ayaa IdaleNews u sheegay in ugu danbeyn Golaha Wasiirada la soo magaacaabi doono 22 bisha May waxaayna ka kobnan doonan 10 wasiir ayado ay ka soo muqan doonan golahaasi Masuliyiin caan ah oo qaarkood Jagooyin ka soo qabtay Dowladihii KMG ah ee Somalia.
Caleemo saarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa waxaa ka soo qayb gali doona Masuliyiinka ka socda Urur Goboleedka IGAAD iyo dad badan oo Somalia caan ka ah.
Dhanka kale waxaa manta si nabad galiyo ah ku soo dhamaday Caleemosaarka Col Barre Adan Shir Hiiraale oo asaga Maalinti shalay lo dortay Madaxweynaha Jubbaland ayado munaasabad ka dhacday hotelka Baranwaa uu Col Barre hiiraale ka sheegay in Maamulkiisa uu kawada shaqayn doono guud ahaan Gobolada ay ka kooban tahay Jubbaland,
Idale News Kismaayo