Wararka aanu ka helayno degmooyinka Buurdhuubo, Luuq iyo Ceelwaaq ee gobolka Gedo ee Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhowayd laga taagay halkaas calanka dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya oo ay ku midaysanyihiin lixda gobol ee uu gobolka Gedo kamid yahay.
Calanka Koonfur galbeed ee laga taagay degmooyinka gobolka Gedo ayaa imanaya xili ay madaxda dalka ugu sareysa ku suganyihiin magaalada Baydhaba halkaasoo ay wadahadalo ku leeyihiin masuuliyiinta Koonfur galbeed iyo ayaga.
Si kastaba ha ahaatee, waxa arintani ayaa noqoneysaa, markii ugu horeysey ee calanka koonfur galbeed ku fidido degmooyin ka tiran gobolka Gedo.
Idale News Online, Gedo.