Cabdikarim Guuleed oo kashifay in Shirkado badan oo Amaanka ah oo aan dowladda Hoos imaan ay Muqdisho ka shaqeeyaan.

0
171

Wasiirka amaanka Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa sheegay in 22 shirkado gaar loo leeyahay oo ah kuwa dhinaca amaanka qaabilsan ay ka shaqeeyaan magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in 18 ka mid ah shirkadahaas ay yihiin kuwo ay soomali leeyihin, 4ta soo hartayna ay yihiin kuwo dibadda laga leeyahay.

Wasiirka ayaa sheegay in xukuumadda ay joojineyso Ruqsadii ay siisay shirkadahaas marka ay dhacaan, kuwo cusubna aysan diiwaan gelin doonin.

Waxa uu sheegay in talada lagu joojinayo Shirkadaha amaan ee gaarka loo leeyahay ay ka timid gudiga amaanka Qaranka.

wasiirka-arimaha-gudaha

Idale News Online.