Cadaado(INO)-Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa sheegay war naxdin ku ah DF, kaasi oo ku aadan halka lagu qabanayo shirka maamul u sameynta gobalada Mudug iyo Galgaduud.
Waxa uu sheegay in shirka cadaado uu ka dhici doono, hadii la’isku dayana in loo weeciyo dhanka Dhuusamareeb aysan marnaba ka qeyb gali doonin ka maamul ahaan.
Waxa uu sheegay in waxa heshiiska saxiixay ay iyagu yihiin, hadii aysan macquul noqonna in Cadaado lagu shiro ay howsha noqon doonto sidii hore iyo meel ka dheer.
Dowladda waxa uu ku amaanay sida ay ku dhegan tahay go’aankeedii iyo fulinta heshiiska, isagana waxa uu sheegay in ay ku qanacsan yihiin shirka in lagu qabto degmada Cadaado.
Idale News Online, Muqdisho