Cabdi Qaydiid Oo Go,aan Lama Filaan Ah Ka Qaatay Shirka Gobolada Dhexe

0
197

Cadaado(INO)-Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale “Qaybdiid” oo shalay gaaray Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, ayaa nasiib daro ku tilmaamay in weli uusan furmin shirka Maamul U Sameynta Gobolada Dhexe.

Hogaamiyaha Maamulka Galmudug, ayaa u sheegay Wariyeyaasha in wax laga xumaado ay tahay in weli uusan furmin shirka Maamul U sameynta Gobolada Dhexe ee dalka oo heshiiskiisa markii lagu saxiixay Madaxtooyada Muqdisho ay kasoo wareegatay 9-bilood.

“Runtii nasiib darro weeye in muddo 9 bilood ah ay kasoo wareegatay xiligii la saxiixay heshiiskii taariikhiga ahaa, maamulkooda lagu mideyn lahaa labadaan Gobol.” Ayuu yiri Cabdi Qaybdiid.

Cabdi Qaybdiid ayaa wuxuu sheegay in dhawaan shirka uu furmi doono, islamarkaana uu ka furmi doono Magaalada Cadaado ee xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb.

“Insha Allaahu Tacaala maalmaha soo socda haddii illaahay Idmo aan rajaynayno, sida in halkaan uu ka furmo shirkii maamulka loogu dhisi lahaa Gobolada Mudug iyo Galgaduud, dhawaana uu furmayo.” Ayuu Warkiisa sii raaciyay Cabdi Qaybdiid.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale “Qaybdiid” ayaa sidoo kale soo dhaweeyay shirkii Dib u heshiisiinta ee lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Dhuusa Mareeb ee Gobolkaasi.

Weli waxaa caqabad ay ka taagan tahay halka rasmi ahaan uu ka furmayo shirka Maamul U Sameynta Gobolada Dhexe ee dalka Soomaaliya, maadaama Dowladda Soomaaliya iyo Odayaasha Dhuusamareeb ku sugan ay kala feker duwan yihiin.

Idale News Online, Cadaado

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here