Cabasho Laga Muujiyay Isbaarooyin Yaalla Duleedka Degmada Afgooye

0
229

Afgooye(INO)-Darawalada Gaadiidka ee ka shaqeeya degmada Afgooye iyo deegaanada ku dhaw ayaa ka cabanaya Isbaarooyin kusoo batay deegaano hoostaga degmadaasi, kuwaasi oo dhac loogu geysto shacabka gaadiidka saaran.

9-Isbaaro

Deegaanada ugu daran ee xilligaan Isbaarooyinka yaallaan ayaa lagu sheegay Cumar Beere iyo Sagaalaad waxaana la sheegayaa in ay dhigteen rag xiran dareeska ciidamada dowladda Federaalka.

Qaar ka mid ah Darwaladaan ayaa u sheegay Idale News Online in dadka rakaabka ah la dhaco, iyagana laga qaado qarashaad aad u badan, iyadoo taasi ay dheertay dhaca gaadiidka.

Illaa Seddax gaari oo noca Homeyda loo yaqaan ayaa la sheegay in Labadii Maalin ugu dambeysay halkaasi lagu dhacay.

Dhinaca kale maamulka degmada Afgooye oo aynu xiriir la sameenay ayaa sheegay in aysan awood u ahayn qaadista Isbaarooyinkaan oo tiro ahaan ka badan 10, sababo ay ku sheegeen ciidankooda oo aan wada gaari karin deegaanadaasi.

Idale News Online, Afgooye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here