Idalenews-Wasaaradda Caafimaadka ee Boqortooyada Sucuudi-Arabiya ayaa Xaqiijisay in aan illaa hadda aan la diiwaangalin Xaalado caafimaad darro oo Xujeyda la xiriirta,isla markaana xaaladda Caafimaad ee Xujeydu ay tahay mid xasillan.
Warkaan oo Wakaaldda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ka soo xigatay Wakaaladda waraka ENA ayaa intaasi raaciyay in wasaaradda Caafimaadka ee Sucuudigu qaaday tallaabooyin dhowr ah oo lagu xaqiijinayo Caafimaadka Xujayda, taasi oo ay ka mid tahay shuruudo dhanka badqabka oo waajib looga dhigay in ay soo buuxiyaan Xujayda u soo xarmanaya in ay soo gutaan waajibaadka Xajka inta aysan Safaaradaha Sucuudiga ka soo qaadan Fiisooyinka.
Dhanka kale wasaaradda Caafimaadka ee Sucuudiga ayaa cadaysay in illaa hadda Xujayda hubinta Caafimaadka martay in gaarayaan 443903(afar malyan afartan iyo saddax kun iyo sagaal boqol iyo saddax Xaaji) oo ka kala yimid 48 waddan.