Muqdisho:Boqolaal ka tirsan Ciidamada Militariga ee Dowladda oo dhawaan tababar ku dhameystay Xerada Jaziira ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa maanta loo qaybiyay hubkii iyo gaadiidkii ay ku hawlgali lahaayeen.
Ciidamadaan, ayaa loo tababaray in ay ka qayb qaataan la dagaalanka ay Dowladdu kula jirto Ururka Al Shabaab, oo weli ka arrimiyo Gobolo iyo Degmooyin ka tirsan Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha.
Taliyaha Ciidamada Dowladda General Daahir Aadan Cilmi “Indha qarshe” iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida, ayaa maanta Ciidamadaan u qaybiyay hubka iyo gaadiidka, loogu talla galay in ay ku hawlgalaan.
Taliyaha, ayaa wuxuu sheegay in Ciidamada looga baahan yahay in ay ka qayb qaataan hawlgalada dalka looga saaraayo dagaal-yahanada Ururka Al Shabaab.
General Indha qarshe, ayaa Ciidamada Dowladda kula dardaarmay in ay isaga fogaadaan, in ay si khaldan u adeegsadaan dareyska Ciidanka Dowladda, lana dagaalamaan masuq maasuqa.
Talisyada Amisom iyo Dowladda, ayaa waxa ay wadaan gulufyo Ciidan oo ka dhan ah Ururka Al Shabaab, si looga saaro Deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Soomaaliya.
Idale News Online, Muqdisho.