Waxaa magaalada Baydhabo soo gaarey wafdi wasiiro iyo xildhibaano isugu jira kuwaasoo laga xusi karo xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan, Sheekh Aadan Madeer, Xuseen Sheikh Max’uud Sheekh Xusen iyo kuwa kale oo tiro badan kuwaasoo markii garoonka diyaarada Shaar Gaduud Airport gaareen saxaafada u sheegay in ay halkaasi u yimaadeen ka qeybgalka shirka maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Wafiga oo labo diyaaradood ay keentay ayaa shirkooda jaraa’id sidoo kale ku sheegay in loo baahan yahay isu tanaasul, hase ahaatee aan sheegin waxa laga tanaasulaayo iyo cida loo tanaasulaayo, maadaama shirka Baydhaba ka socda yahay mid hal waji leh oo ergada joogta halkaasna ka raali yihiin dhismaha maamul ka kooban lix gobol.
Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dadka Soomaaliyeed badidood ay ku yaqaaneen nin xafiiltan badan isla markaasna kaalinta koowaad kaga jiro tahriibinta siyaasada dalka, suuq geynta afkaarta shisheeye ama fikradaha meelaha kale laga soo masaafuriyo kuwaasoo intooda badanna ku soo dhamaada xukun iyo xoolo doon ayaan la ogayn sida ay dadka ku dhaqan gobolada koonfur galbeed u aamini karaan hadalada saxaafada uu siiyo ee beer laxowsiga ah, daacadna aan laga aheyn ee aan gunta hoose jirin.
Dhanka kale, Isaaq Buuloow oo ka mid ah ergada shirka Baydhabo ayaa isagoo saxaafada la hadlaayey yiri “Ninkii Dhuumanaaya ee Dhabarkiisa Muuqdoow waan ku aragnaa, waanu ilaashaneynaa dalkaan iyo wadajirka lixda gobol, qaabka aad dooneyso in loo fashiliyo shirkaan, waanu aragnaa cidna kama yeeleyno”.
Si kastaba ha ataatee, wafdigaan ayaa waxaa xigi doono wafdi kale oo uu hogaaminaayo gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Prof Maxa’ed Cismaan Jawaari oo isbuucaan gudahiisa soo gaari doona degmada Baydhabo kuwaasoo dhamaantood wadatashiyo ka yeelan doona dhismaha shirka haatan gunaanadka maraaya.
Haddaba la arki doonee waxa wafuuda ku soo qulquleysa gogosha Baydhabo ku soo kordhiyaan hab sami u socodka iyo dhameystirka dowlad goboleedka ka kooban lixda gobol ee kala ah Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose, Shabeelaha Hoose, Bay, Bakool iyo gobolka Gedo.
Idale News Online, Baydhabo.