Booliska wadanka Kenya oo saacadihii u danbeeyay xiray Soomaali badan.

0
199

Ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa waxa la sheegay inay weli ka wadaan Xaafada Islii ee magaalada Nairobi baaritaanada lagu qab qabanayo Somalida deggan magaaladaasi.

Ciidanka ayaa waxay xabsiga dhigeen saacadihii lasoo dhaafay in kabadan 500 qof Muwaadiniin Somaliyeed ah waxaana taasi ay sii murjisay xaalada dadka Somaliyeed ee deggan Xaafada Islii ee Nairobi.

Qaar kamid ah Somalida raafkaasi uu saameeyey ayaa waxay uwarameen Idaacada Kulmiye iyagoo sheegay inay cabsi ka qabaan in ciidanka Amaanka Kenya ay guryaha ugu soo galaan kadibna la xiro.

Marka ay wax ka dhacaan magaalada Nairobi ayaa bartilmaameedka koowaad waxa noqda dadka Somaliyeed ee deggan Caasimada Kenya ee Nairobi waxaana sidaasi sheegay dhalinyaro Somali ah oo Xaafada Islii deggan oo Kulmiye Radio la hadlay.

Dhinaca Kale Xildhibaanada Somali Kenyaanka ah ee Baarlamaanka Dalkaasi ku jira oo la kulmay Wasiirka Amniga Kenya ayaa waxay kawada hadleen in dadka la kala saaro kuwa sharciga leh ee xabsiga la dhigayna lasoo daayo kuwa aan sharciga heysanina dib Somaliya loogu soo celiyo.

A Somali woman injured in a blast is assisted upon her arrival at Kenyatta National Hospital in Nairobi

Idale News Online.