Kampala:Laamaha ammaanka ee waddamada Uganda iyo Soomaaliya ayaa waxay kala saxiixdeen heshiis ku saabsan la dagaalanka waxaa loogu yeero argagixiisada, iyadoo ay tahay markii u horeysay gaaraan heshiis noocaan oo kale.
Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen. C/xakiim Daahir Saacid iyo Taliyaha Booliska Ugandda Gen. Kale Kayihura ayaa wada hadal dhowr maalmood qaatay ku yeesheen magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, ugu dambeyna heshiis wada gaareen.
Heshiiska ay kala saxiixdeen oo xoogiisu yahay in ay iska kaashadaan la dagaalanka kuwa amniga Qatar ku ah oo caalamka u yaqaanan ‘’Argagixiiso’’ ayaa sidoo kale qayb ka ah in Saraakiisha Booliska Uganda ay ka caawiyaan kuwa Soomaaliyeed xaga tabbabarka sidii dambiyada loo baaro loogana hortago iyo in ay uu yaboohan qalab casri ah & in labada dhinac ay isku gudbiyaan xog dhinaca Sirdoonka.
Sidoo kale labada Boolis ayaa wada sameyn kara howlgalo wadajir ah oo ay uga hortagayaan khatarro walba kusoo fool leh labada wadan.
Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Gen.Saacid ayaa soo dhoweeyay talaabadan mar uu ka hadlayay Shir Jaraa’id ay ku qabteen Hotel Serena ee magaalada Kampala, waxaana uu sheegay in Booliska Uganda ay si weyn u caawiyeen kuwa Soomaaliyeed ayna qeyb ka yihin sugidda nabadgalyada Muqdisho.
Ilaa 400-saraakil Boolis oo ka socda dalka Uganda ayaa ku sugan magaalada Muqdisho kuwaas oo tabbabaro u fidiya Booliska Soomaaliyeed iyadoo ay sidoo kale ka qayb qaataan howlgalada lagu xaqiijinaayo ammaanka.
Dalka Uganda ayaa feejignaan dheeri ah ka galay weeraradda ay waddamada deriska ku qaadaan Kooxda Al-Shabaab.
Idale News Online, Kampala, Uganda.