Beelaha Digil & Mirifle oo sheegay in yihiin dadka ugu badan ee Gobolka Banaadir, Xaquuqdii Maamul ee ay lahaayeena la duudsadey

0
205

Beelaha Digil iyo Mirifle ee ku dhaqan gobolka Banaadir ayaa ku dhaliiley wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka iyo maamulka Gobolka Banaadir kaalintii ay ku laheyd maamul u sameynta degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka Banaadir Banaadir oo ay sheegeen in aan lagu saleynin si waafaqsan dastuurka dalka iyo sharuucda maamul u sameynta degmooyinka gobolka Banaadir ee ah in dadka deegaanka talo ku yeeshaan dhismaha aayaha gobolkooda.

Kulan ka dhacey mid ka ah hoteelada magaalada Muqdisho ayey ku sheegeen waxgaradka beelaha  Digil iyo Mirifle in iyagu yihiin dadka ugu badan ee degan gobolka Banaadir gaar ahaan degmooyinka Waaberi, Hodan, Howlwadaag iyo Wadajir dagaaladii sokeeye ka hor ay ahaayeen dadka laf dabarka u ahaa dhaqaalaha dalka, hase ahaatee waxii ka dambeeyey burburkii dowladii dhexena la duubsiiyey xaquuqdoodii siyaasadeed iyo midii maamulka gobolka Banaadir.

Waxgaradkii, siyaasiyinntii  iyo dhaqankii kulanka ka qeybgaley ayaa sidoo kale ku tilmaamey in degmada Kaxda oo la og  yahay taariikhda kooban  ee ay jirto  iyo qaabka loo magacaabey in ay tusaale muuqda u tahay hab dhaqanka cadaalad darida ku dhisan ee mamulka gobolka Banaadir iyo Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo federaalka..

Iyadoo dhanka kale ka hadlaayey khilaafka iyo dagaalada ka jira gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in dadka Gobolka Shabeelaha Hoose yihiin dadka leh xadaaad soo jireen ah iyo degmooyin iyo tuuloyin qadiimi ah oo la wada yaqaano, dadka ku soo duuley gobolka ama xooga ku jooga ay la mid yihiin gumeystihii fashiistaha ahaa ee dalka Soomaaliya laga saarey.  Degmooyinka 8 ah ee gobolka Shabeelaha Hoose oo kala ah: Afgooye, Wanlaweyn, Kuntuwaarey, Sablaale, Qoriyooley, Marka, Baraawe iyo Awdheegle ay markaan diyaar u yihiin in aan loo dulqaadan gardarada joogta ah ee dadkooda iyo deegaankooda lagu haayo meelna uga soo wada jeesan doonaan iyagoo taageero shisheeye iyo mid gudo ahba la kaashanaayo.

Dadka gobolka Shabeelaha Hoose ayaa 90%  ka soo jeeda Digil iyo Mirifle, degmooyinka iyo tuulooyinka gobolkaas ka kooban yahayna lagu tilmaamaa inuu yahay laf dhabarka dhaqaalaha dalka ee xaga kuluumeysiga, beeraha iyo xoolaha, hase ahaatee waxii ka dambeeyey dagaaladii sokeeye ayaa waxaa dhacey tacadiyo loo geysanaayo dadka iyo deegaanka, taasoo hadda ay muuqato in dadka deegaanka Shabeelaha Hoose ay ku soo baraarugeen boobka iyo tacadiyada joogtada ah ee loo geysanaayo.

Ugu dambeyntii Waxgraradkii Kulanakaasi ayaa baaq u kala diray dowlada federaalka iyo beesha caalamka, iyagoo ku gaar ah u tilmaamey cadaalad darada ka jirta dhismaha degmooyinka gobolka Banaadir oo aan wax xaquuq ah laga siinin beelahooda degan degmooyinka Waaberi, Hodan, Howlwadaag iyo Wadajir.

digilIYoBiyamaal

Idale News Online, Mogadishu