Muqdisho(INO)- Madasha Hogaamiyaasha Qaran iyo Dowlad Gobaleedyada ayaa isku raacay in Labo xubnood oo ka socda Beelaha Banaadiriga lagu daro Aqalka Sare ee dalka, sida uu SONNA u xaqiijiyay Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Jaylaani Nuur Ikar.
Xubnaha Aqalka Sare ayaa horay u ahaa 54-xubnood waxaana haatan go’aankaan cusub xubnaha Aqalkaas la dhisayo uu ka dhigayaa 56-xubnood.
Madasha Hogaamiyaasha Qaran iyo Dowlad Gobaleedyada ayaa haatan ku shirsan magaalada Beydhabo waxaana la filayaa in maanta la soo gaba gabeeyo shirkaas iyadoo gabagabada laga soo saari doono qodobo ay ku heshiiyeen Madaxda dalka.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay