Daawo Video: Wejiga labaad ee shirka Baydhabo oo maanta furmay

0
197

Magaalada Baydhabo xarunta Gobolka Bay, ayaa waxa maanta lagu wadaa inuu si rasmi ah ugu furmo magaaladaasi wajigii labaad ee dhismaha dowlada KG Soomaaliya, ayadoo dhawaanahan lagu gudu jirey qiibinta ID card-da oo lasiinayey ergooyinka ka qiib galaya, iyo isku daba-ridka hawlaha Maamulka KG soomaaliya.

Waxaan sidoo kale shirka la filayo inuu furmo goob-joog, ku ah dhamaan beelaha wada dega 6da Gobol ee Koonfur galbeed soomaaliya, ujeeda maamulka loo sameynayo ayaa ah in ay umada degta koonfurta soomaaliya, ay ku wada nooladaan Cadaalad, sinaan ,isla markaana ay ugu dhuuman lahaayeen sed-buris iyo Calaado.
shirkabay

Wajigan laabaad ee shirka ayaa la sheegey sida ay shabakadda warbaahinta Idale News Online(INO) Xog hoose, isla markaana la shaacin ay heshey looga hadlin doonaa, qiibsashada Beelaha KG Soomaaliya tirada Xildhibaanada iyo Erigooyinka ugu qiib galayo shirka Maamul u sameynta Golobada Konfurta& konfur Galbeed ee soomaaliya.

Sida la sheegay, waxaa Magaalada Baydhabo laga dareemaya jawi ka duwan kii hore, oo ah u diyaar galowga shirka. Sikastaba ha ahaatee, waxa la sugayaa waxii ka soo baxo shirka Maanta si toos u furmayo.

Halkan ka daawo:

[vsw id=”THqhTef53Ts” source=”youtube” width=”425″ height=”344″ autoplay=”no”]

Xasan Bashaa
Xafiiska Idale News, Koonfur Galbeed Soomaaliya