Baydhabo: Kooxo Hubeysan oo Labo Ruux Ku dishey Xaafada Mursal Ee Waqooyiga Magaalada Baydhabo Janaay.

0
223
Wararka inaga soo gaaraaya Magaalada Baydhabo, ayaa waxay sheegayaan in xalay lagu dilay laba ruux, iyadoo ay geysteen rag bistoolado ku hubeysnaa, isla-markaana ay u suurta gashay inay baxsadaan.Raggaan, ayaa waxay weerar ku qaadeen Farmashi ku yaala Isgoyska Mursal ee Magaalada Baydhabo, xilli uu daawo ka iibsanaayay nin la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidamada Madaniga ee Xaafada Mursal, kaasoo ay ku dhex dileen.

Raggaan, ayaa sidoo kale waxay Farmashiga ku dhex dileen milkiilihii farmashiga oo lagu naaneysi jiro Doorow, halka ay ku dhaawaceen nin kaloo ka hawlgali jiray xaruntaasi caafimadeed.

Wararka waxay intaa ku darayaan in ay baxsadeen raggii dilka geystay oo tiradoodu lagu sheegay ilaa laba nin, waxayna baxsadeen ka hor intii aynaan goobtaasi gaarin Ciidamada Booliska.

Booliska, ayaa waxaan jirin cid ay u soo qab qabteen labada ruux ee lagu dilay Magaalada Baydhabo, sidoo kalana majirto war rasmi ah oo weli ka soo baxay Booliska.

Sarkaal ka tirsan Maamulka Baydhabo, ayaa xaqiijiyay labada ruux ee xalay lagu dilay Xaafada Mursal, sidoo kalana waxa uu sheegay in berito la samayn doono hawlgal ku aadan, kuwii dilka geystay.

Ragga bistooladaha la cararaaya ee dilalka abaabulan ka fulinaaya goobaha ay gacanta ku heyso Dowladda Federalka ee Somaliya, ayaa waxaa lagu eedeeya inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab.

Baydhaba Janaay.

Idale News online, Baydhabo.