Baydhabo: Awooda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo La Qeybsanayo

0
205

Baydhabo(INO)-Maamulka lixda gobol ee koonfur Galbeed soomaaliya ayaa wali ku qancin heshiisyadii isdaba jooga ahaa ee ay fidinayeen dowlada federaalka iyo beesha caalamka.


shariif

Kulan ay wada qaateen madaxweyne shariif xasan Sheekh  oo hogaan u ah Mamulka sedexda gobol ee taageerada heysta iyo qaar kamid ah masuuliyiinta maamulka aan aqoonsiga heysan ayaa looga hadlay in ay 50%Awooda lagu qeybsado oo ay tanaasulaan maamulka labaxay lixda gobol.

Xoghaya baarlamaanka Mamulka lixda gobol Cabduqadir ibraahim ajuuga oo la ahdlay  Warbaahinta Idale News Online  ayaa sheegay in heshiiska ay goob joog ka ahaayeen qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamanka Dalka.

Md Ajuuka aayaa sheegay in qodobada lagu heshiiyay ay qeyb ka ahaayeen in wasiirada la qeybsado, gudoomiyaha baarlamaanka laga dhigo maamulka lixda gobol waxaana intaas sii dheer in la siiyo madaxweyne ku xigeenka islaa maamulka lixda gobol.

Dhinaca kale majiro wax hadal ah oo ka soo baxay masuuliyiinta Maamulka shariif xasan ee ku aadan xaqiijinta heshiiskan la sheegay in ay gaareen maamulada Sedexda gobol iyo lixda gobol.

Idale News Online, Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here