Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) oo Waxyar un kadib markii la doortay Sheekh Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa shaaciyay inuu yahay isna Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland.
Barre Hiiraale oo kamid ah Labo madaxwayne oo maanta lagu doortay Kismaayo ayaa sheegay inuu yaha Madaxwaynaha Rasmiga ah ee Jubbaland.
Xili uu Waraysi gaar ah siinayay VOA ayaa waxaa uu tilmaamay in Jubbaland ay leedahay hal Madaxwayne, isla markaana aysan jirin cid isaga soo labanaysa, wuxuu sidoo kale sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan qorshe is Faham looga dhex abuurayo Bulshada ku nool gobolada Jubbooyink.
Sidoo kale waxa uu xusay shacabka Jubbooyinka inay ayagu leeyihiin inay ka tashadaan aayaha gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, waxaa uu gabi ahaanba beeniyay in Axmed Madoobe uu yahay Madaxwaynaha Jubbaland.
Sidoo kale Mar wax laga waydiiyay in markii uu Yimid Kismaayo kulan la qaatay Axmed Madoobe Maamulkiisa oo xiligaasi Hormuud ka ahaa Olalaha Doorashooyinka Kismaayo.
Barre Hiiraale oo la hadlay shabakada Idale News Online isagoo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa waxba kama jiran ku tilmaamay doorashadii Axmed Madoobe.
[audio:http://saadaalnews.com/wp-content/uploads/2013/05/Barre-Hiirale.mp3]Idale News Kismaayo