Muqdisho(FMN)–Walaalayaal Soon Suubban, iyo Ciid Cuddoon, waxaannu halkan idiinkula wadaagaynaa Maqaal yar oo kulminaya axkaamta Islaamka ee ku aaddan Zakaatul Fidri.
Waa maxay Zakaatul Fidri? Luqad iyo Sharci ahaanba.
Zakaatul-Fidri: Waa Zako waajibaysa xilliga la arko bisha soon fur(SHAWAAL) ka hor tukashada Saladda Ciidda, kuna waajibaysa Muslim kastaa, xor iyo addoonba, caruur iyo ciroole.
Daliilka Waajibnimadeeda:
Waxaa xadiis looga wariyay Saxaabiga Cabdulaahi Bin Cumar Binul-Khadaab Rabbi haka raalli ahaadee, inuu Nabigu NNKH waajibyeelay Zakaatul-Fidriga (Zagada Soonka) dadka oo dhan (Muslimiinta ah) taas oo ah Suus Timir ah ama Qamadi ama Sabiib, waxay waajib ku tahay qof walba oo xor ama addoon ah, Lab ama dheddig ah, ku yar ama wayn. Sidoo kale dhamaan iskuma diidana Culumada Islaamku inay waajib tahay
Xikmadda loo jideeyay Zakadan?
Marka hore Zakaatul fidriga wixii khaladaad iyo nusqaan ahaa ee kaadhacay intii aad soo soomaneyd ayey kuu kabtaa oo kaa nadiifisaa, in lagu shukriyo nimcadii aad soo dhameysatay ee bisha ramadaan.
Waxay sidoo kale Zakaatul Fidriga xikmadda ku jurtaahi tahay in dadka muslimiinta ahi gaar ahaan kuwooda masaakiinta ah lala farxo oo lagu abuuro kalgacayl bulshadana is jeclaato.
Yaa la siinayaa, Qofkeese bixinaya?
Qof kastaa oo muslim ah, oo xor ah ama addoon ah, oo da’diisu wayntahay aam yar, intuba wa ku waajib sida Nabigu faray.
Ninku waxaa waajib ku ah inuu caruurtiisa yar yar ka bixiyo, Zakaatul fidri-gu waxay waajib ku tahay ruux walba ( caruurtaada waaweyn iyo ehelka kale waa inay iska bixiyaan) haddii uu ninku ka bixiyo dadkaas uu masruufo Zakaatul fidri-ga wuxuu ka helayaa ajir dheeri ah ee laasim kuma aha.
Shuruudaha Zakaatul-Fidriga waa:
- Inuu qofka bixinayaa yahay Muslim, kama marna dhinaca kale qofka la siinayo inuu yahay Muslim.
- Qofka bixinaya inuu haysto wax ka badan cunnadiisa maalinta ciidda isaga iyo hadduu dad masaruufaba, sida xaaskiisa iyo caruurtiisa iwm.
- Waxa la bixinayo waa inay noqotaa cunno ma banaana lacag, oo kaliya haddii lacagtaasi lagu sii gadayo raashin ka dibna la siinayo masaakiinta waa banaan tahay, waxaa la mid ah haddii meesha uu qofku ku nool yahay aysan lahayn masaakiin way banaan tahay in loo qaado meeshay masaakiinta joogto ka dibna halkaasi loogu qaybiyo.
- In la siiyo ama ay gaarto miskiinka Zakadan intaan Salaada Ciidda la tukanin ka hor wixii uu qofku bixiyo salaada ciidda ka dib waa sadaqo ee ma aha Zakaatul-Fidrisida uu Nabiga naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee inoogu sheegay xadiith saxiix ah.
Zakaatul fidri-ga waxaa la siin karaa Fuqarada iyo masaakiinta, waxaase jira 8 ruux oo la siin karo zakaatul fitri-ga waxayna kala yihiin:
1.-Masaakiin.
2.-Foqorada.
3.- kuwii kasoo shaqeynaayey/ soo uruurnayey.
4.- Qof lasoo dumay ama soo islaamay
5.- Adoomada (aan xor aheyn).
6.- Dadka deymeysan (deyn lagu leeyahay).
7.- Dadka jihaadka u socda iyo
8.- Qofka safarka ah.
Waxaase laysku wada waafaqsanyahay Fuqarada iyo Masaakiinta.
Yaa Faqiir ah sharciga Islaamka, Yaase Maskiin ah?
FAQIIR: Waa ruuxa aan heli Karin hal shilin oo ka mid ah wuxu quudan lahaa maalintaas.
MASKIIN: Waa qofka hela qayb ka mid ah cuntadiisa ama nolol maalmeedkiisa, balse aan wada heli karayn dhammaan noloshiisa maalinlaha ah.
Zakaatul Fidri-ga lama siin karo Ruux uu Masruufkiisa kugu waajib yahay sida labadada Waalid, Caruurtaada iyo Xaaskaaga, waxaase siin kartaa eheladaada /qaraabadaada
Maxaan bixiyaa?
Saac ama Afar-koombo qiyaas ahaan ama ku dhawaad, ayaa la bixiyaa ruuxiiba, mire, shaciir, sabiib ama caano la fadhiisiyey midkood. Nooca la bixinayo koombo bariis ah ama koombo galey ah inaad bixiso ayaa ka fiican inaad bixiso qiimaha ay lacag ahaan ujoogto.
Culumo badan oo Muslimiinta ahna waxay ku tageen in aan lacag ahaan loo bixin Karin ee la dhiibo Cunno.
Waxaa la bixiyaa Suus (4- koombo) Cuntooyinka la Beego ah, ama 2500-kg (laba kiilo iyo bar) oo Cuntooyinka la Miisaamo ah.
Waqtigee la dhiibayaa ama goorma ayaannu bixinaynaa Zakaatul Fidriga?
Sida sunnada ah ee loo bixiyo zakadaas una bixin jirey Nebigeenii NN korkiisa ha ahaatee waa salaadda ciidda ka hor.
Zakaatul fidrigu waxa ay waajibtaa laga bilaabo Qorax dhaca Maalinta ugu dambeysa Ramadaanka, waxa ayna ku egtahay marka marka la tukado Salaada Ciida.
Mar way bannaantahay, waana dhammaan maalmaha Bisha Soonka ama Ramadaanka, in aad iska sii dhiibto waa wax bannaan.
Markase ay ugu fadli badantahay waa xilliga Salaadda Ciiddana an la gaarin, qoraxduna soo baxdo, maalinta 1-aad ee bisha Shawaal ama Soon Fur.
Mar waa XAARAAN, waana wiixii ka danbeeya Salaadda Ciidda ka dib.
Allaah waxaanu ka baryeynaa inuu naga aqbalo Soonkeena, Salaadeenna,nagana dhigo kuwii liibaana adduun iyo aakhiraba. AAMMIIN.
Waare Ogaal.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay