Barcelona oo fasaxi doonto cayaartoy 10 kor u dhaafeyso iyo macalin Martino.

0
218

Warar soo dusay oo ay qorayaan warbaahinta ayaa sheegaya in Barcelona ay u diyaar garoobayaan in ay ka taqalusaan kala bar ciyaartooyda kooxda, waxaan arintaas looga gon leeyahay dib u dhis lagu sameeynayo kooxda .

Tutto Mercato ayaa sheegeysa in maamulka Barcelona ay ka baaran degayaan hindiso la soo jeediyay oo ah in laga taqaluso 13 ciyaar yahan marka xilli ciyaareedkaan uu dhamaado .

Magacyada ugu horeeya ee laga taqalusayo waxaa ugu horeeya tababaraha kooxda ee Martino , waxaana badelkiisa loo badinayaa Luis Enrique oo horay Barcelona ugu soo ciyaaray kaasi oo la kulmay shalay maamulka kooxda.

Barcelona ayaa ciyaartooyda ay ka taqalusayaan dooneysa in badelkooda ciyaartooy cusub ku keenaan xilli Valdes iyo Puyol ay shaaciyeen in ciyaaraha ay ka fariisanayaan .

Ciyaartooyda liiska bixitaanka lagu daray waxaa ka mid ah : Fabregas , Alves , Pedro , Mascherano, Afellay , Adriano , Cuenca,Sergio Roberto,Dos Santos.

b`aacelon8

Idale News Online.