Boqolaal Barakacayaal ah ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay soo gaareen Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.Hoose iyadoona arinta uu ka qeylo dhaamiyay Maamulka Degmada ee Dowladda Soomaaliya.
Gudoomiyaha Degmada Marka Maxamed Cismaan Yariisow oo la hadlay Xafiiska Wararka ee Warqaad.so ayaa sheegay in ku dhawaad 2000 oo Qoys ay ka soo barakaceen Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka uu Dagaalo ku dhexmaray Al Shabaab iyo kuwa Dowladda.
Maxamed Cismaan Yariisow, Gudoomiyaha Marka ayaa shaaca ka qaaday in Dadka Barakacayaasha ah ay Nolol xumo ku heysto Degmadiisa waxuuna tilmaamay in Dadkan ay ka soo kala carareen Magaalada Baraawe iyo Qoryooley ee Gobolka Sh.Hoose.
Waxuu Gudoomiyaha qeexay in Dadka intooda badan ay ka soo barakaceen Degmada Qoryooley halkaasi oo Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya, AMISOM oo isku dhinac ah ay ka saareen Dagaal yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab.
Ugu dambeyn, Qoysaskan ku soo gabaaday Magaalada Marka ayaa waxaa la sheegay in Nolol liidata ay ku Nool-yihiin waxaana sidoo kale intaasi lagu daray in 3 Ruux oo Caruur ah iyo Dad Waayeelo ay ku dhinteen Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.Hoose.
Idale News Online, Markacadey.